Jadwalka doorashada guddoonka barlamaanka iyo madaxweynaha Jubbaland oo la soo hormariyey

War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyey hab sami u socodka doorashooyinka Jubbaland iyadoona maalinimada Khamiista ah ay bilaabi doonaan diiwaangelinta musharixiinta.

Gudiga ayaa sheegay in maalinimada Sabtida ah ay dhici doonto doorashada guddoonka barlamaanka ee Jubbaland, halka maalinimada Axadda ah oo Taariikhdu ku beegan tahay 18 Agoos ay barlamaanka cusub ee Jubbaland dhegaysan doonaan khudbadaha musharixiinta.

Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa ay qabsoomi doontaa 19-ka bisha Agoos iyadoona horay qorshuhu u ahaa in doorashada madaxtinimadu ay dhacdo 24-ka bishaan.

AKHRISO

PUNTLANDPOST