Puntland oo beenisey in ajaaniib lagu addoonsado xeebeheeda

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaale ajaaniib ah oo siyaabo kala duwan looga dhoofiyey Garoowe iyo Boosaaso.

Wasiir Cawaash ayaa ugu horayn beeniyey inay jiraan shaqaale ajaaniib ah oo deegaama xeebeedyada Puntland lagu addoon sado aysanna aqbali doonin in lagu xad gudbo xuquuqda dadka ajaaniibta ah.

Xilli uu warbaahinta kula hadlayey magaalada Garoowe ayaa waxa uu caddeeyey inay jireen 18 shaqaale Thailand’s ah oo laga dhoofiyey magaalada Boosaaso haseyeeshee ay ahaayeen shaqaale si xorriyad ah ugu shaqaynayey ganacsade Soomaaliyeed ayna dalkooda ku celiyeen kadib markii ay dalbadeen in ay si iskood ah u laabtaan.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa waxa uu sheegay inay jiraan 13 shaqaale Kenyan ah oo Garoowe laga dhoofiyey kadib markii ay dalbadeen inay dalkooda ku laabtaan aysanna jirin cid khasabtay ama ku addoon sanaysay Puntland.

Ugu dambayn wasiirka ayaa waxa uu ka hadlay nin ajnabi ah oo lagu diley magaalada Boosaaso iyo duufaano ku dhuftay qaar kamid ah xeebaha Puntland gaar ahaan magaalada Caluula.

DAAWO

PUNTLANDPOST