15 ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay tuulada Miir-Khaliifo oo ka tirsan gobolka Doollo

Kani waa sawir hore

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen, dagaal qaraar oo shalay ka dhacay tuulada Miir-Khaliifo oo ka tirsan degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Malayshiya-beeleed ka soo duulay tuulooyinka Cillaanle iyo Duuban oo hoostaga degmada Wardheer, ayaa sida la sheegayo shalay subax dagaal ku qaaday tuulada Miir-Khaliifo oo ay deggan yihiin shacab hayb-ahaan ka soo jeeda Puntland, halkaasi oo dagaal culus ku dhexmaray dadka degaanka iyo malayshiyaadkii soo duulay.

Dagaalka oo socday ilaa gelinkii dambe ee shalay, ayaa waxaa  la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ruux oo isugu jira dadka degaanka iyo malayshiyaadkii soo duulay, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo kale, waxaana dib loo celiyay malayshiyaadkii duullaanka soo qaaday.

Wararkii u dambeeyay ee  dhulkaasi laga helayo ayaa sheegaya in maanta aan wax dagaal ah dhicin, inkastoo labada dhinacba ay hub-uruursi iyo gurmad ku maqan yihiin, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaalku sii socdo.

Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post,