Ciidamada Kenya oo isaga baxay garoonka iyo Jaamacada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa ku waramaya in ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay isaga baxeyn Garoonka iyo Jaamacadda Magaaladaas.

Ciidamadda Kenya ayaa muddo sanado ah ku sugnaa Labadda xarumood,waxayna xalay waqti dambe la sheegay in ay xarumahaas ay faarujiyeen,kadib amar kasoo baxay Saraakiisha Howlgalka AMISOM.

Ciidamadda Malatariga Ethopia oo sidoo kale qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegay Labadda Xarumood.

Dhanka kale warar so baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay sidoo kale ka bixi doonaan Guud ahaan Saldhigyadda Gobolka jubba-da hoose ay ku leeyihiin.

Saraakiisha Kenya iyo Madaxweynaha Jubbland Axmed maxamed islaam (Axmed madoobe),ayaa dhawaan kala hadlay in aan culees la saarin Musharixiinta Jubbland,kadib israsaaseyntii dhawaan garoonka kismaayo ku dhexmartay Ilaaladda Musharax Seeraar iyo  Kuwa Jubbland.