Booliska oo sheegay in ay dad u qabteen qarixii ka dhacay Muqdisho

Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax gaari oo caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Degmadda Xamar Weyne.

Gaari qarxay oo ah Nooca Soomaalida u taqaano Noha ayaa ku qarxay meel ku dhaw xarunta iskaashatooyinka oo ku taalla Degmada Xamar Weyne.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in labo ruux loo qabtay,islamarkaana lagu baarayo Xarunta C.I.D.
Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed oo sheegtay in qaraxan uusan geysan wax khasaare ah.

“Abbare 7-dii habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah oo la dhigay kuna taalla dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka degmada X/Weyne, sidaanu xaqiijinay wax khasaare nafeed ama dhaawac ma jiraan, waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof oo lagu tuhmaayo in falka lug ku leeyihiin iyo ninkii baabuurka qaraxa watay”. ayay tiri Gen. Zakiya.

Puntland Post