Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Muqdisho iyo duleedkeeda

Roobab ma hiigaan ah ayaa xalay ilaa iyo saakay waxa ay ka da’ayeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Roobabkaan oo ahaa kuwo lagu diirsaday ayaa socoday saacado aad u badan.

Sidoo kale roobabka ayaa ka da’ay qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo duleedka Muqdisho.

Dadka Muqdisho ayaa baryihii u dambeeysay waxa ay la kulmayeen kuleeyl aad u daran hayeeshee iminka ay qaboowsadeen.

Ugu dambeeyntii roobabkaan ayaa saameeyn waxa ay ku yeesheen dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Muqdisho.

Puntland Post