Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan yeelanaya

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Ajandaha Kulanka ayaa ah u Codeynta Murashaxiinta u taagan buuxinta labada Xubnood ee ka banaan Guddiga la socodka Dastuurka.

Waxaa xilalkaaan isku soo sharaxay gudoomiyaha guddiga dastuurka labada aqbal Cabdi Xasan Cawaaale Qeeybdiid waxaana uu dal baday in uu isaga buuxiyo booskaasi.

Waxaa la sii xiray wadooyinka soo gala xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho