Dadkii ka dambeeyay Kufsi iyo dilkii Caaisha oo la maxkmadeeynayo

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa 16-kii bishii april sheegay in lasoo gabagabeeyay kiis kufsi ku saabsan oo lagu wareejiyay.

Waxa uu sheegay in ay baaris dheer ku sameeyeen kiiska kufsi iyo dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaan Aadan oo ahayd gabar 12-jir.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa intaa ku daray in macluumaadkooda ay ku wareejin doonaan Hay’adda Dambi baarista Puntland, si ugu soo diyaariso galdacweed dhameystiran.

Aw Cusmaan ayaa dalbaday in aan cadaaladda horgeynteeda lagala gamban dambiilayaasha ka dambeeya kiiskaan oo ah mid ugub ku ah dhulka Soomaalida.

Maanta ayay wararku sheegayaan in la guda galayo maxkamadeynta ragga loo heysto kiiska kufsiga iyo dilkii xigay ee loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka dambeeyaan kiisaska kufsiga ah oo kusoo beegmay kolkii uu xafiiska la wareegay.

Guddi katirsan Puntland ayuu sheegay in uu u xilsaaray, si ay usoo ogaadaan sababta iyo shaqsiyaadka ku lugta leh, si cadaaladda loo horgeeyo.

Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa dhamaadkii bishii April ka barakacay Magaalada Gaalkacyo, sababo la xiriira hanjabaad ay sheegeen in ay kala kulmeen qoysaska dadka u xiran kiiskoo

waxaa dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo oo lagu dalbanayay in ay cadaaladda helaan qoysaska dadkooda la waxyeeleeyay.

Puntland Post