Gal-Mudug oo ka hortimid ansixinta xeerka doorashooyinka

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qaadacay oo ka hor yimid qaabka loo meel mariyay Ansixinta Xeerka Doorashooyinka oo ay meel mariyeen shalay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Madaxda Sare dalka ku eedeeyay in ay si bareer ah ugu tunteen Dastuurka ayna isku garyeeleen go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalka sida dhameystirka dastuurka qabyada ah, Qaabeynta howlaha doorashooyinka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, iyo xasilinta Amniga dalka.

Hoos ka aqriso

Puntland Post