Wasiirkii warfaafinta Soomaaliya oo Is casilay

Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Shiiikh  Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkii iska casilay.

Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA.

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka iska casilo.

Majiro war ka soobaxay xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya oo is casilaadaan looga hadlay.

Puntland Post