Maareeyihii tiyaatarka qaranka oo xilkii laga qaaday

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdullaahi Cismaan Guure.

Wasiir Daahir Geelle ayaa xilkaasi u magacaabay Maxamed Abuukar Ma’da oo kamid ah wariyaasha warbaahinta dowladda.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in sababta xilka loo qaaday Guure ay tahay kadib war maanta ka baxay idaacad uu mulki ahaan u leeyayay, oo ku aadanaa in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Baraha bulshada ayaa si aad ah looga hadal hayaa warkaasi maanta ay baahisay idaacad maxali ah oo ku taala Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa beeniyay warkaasi oo uu ku sheegay in uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Puntland Post