Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ku leh Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga,kaasi oo la marsiiyay dhawaan aqrinta koowaad.

Xildhibaabada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diray fariimo lagu wargalinayo in kulanka ay soo xaadiraan,islamarkaana ay waqtiga ilaaliyaan.

“Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho,ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta labaad Hindise sharciyeedka shirkadaha ganacsiga”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Puntland Post