Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeeybgalaya shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee haatan ka jira dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la kulmi doono madaxda shirkaasi ka qeeybgali doonto.

Puntland Post