Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay shirka Mucaraadka Nairobi

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay shir mucaaradka ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si wadajir ah uga hadlay shirka siyaasiinta ku yeesheen Nairobi

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in siyaasiinta looga baahanyahay in dalkooda aanay dumin islamarkaasina loo baahanyahay in dowladda ay soo horyfariistaan.

“Dalka hogaamintiisa ayaad dooneysaan wixii maanta aaad sameysaan ayaa bari la idin ku sameynayaa” ayuu yiri Daahir Gelle.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in siyaasiintaasi ay doonayaan in dalka fowdo galiyaan.

Shalay siyaasiin mucaarad ah ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, kaas loogasoo horjeeday dowladda Soomaaliya.

Hoos ka dhegeyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho