Ciidamada Booliska oo Toogtay shaqsi weeraray xarun ciidan Muqdisho

Nin hubeeysan ayaa xalay waxa uu Bambaanooyin ku weeraray xarun ciidamada dowlada ay ku leeyihiin degmada warta Nabada ee Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa durba eryaday ninkaasi falka geeystay isaga oo gudaha u galay guri dad shacab ah ay dagaanaayeen.

Booliska ayaa isku gadaamay gurigaasi uu galay ninkii weerarka geeystay ugu dambeeyntiina waxa ay toogteen shaqsigii falkaasi geeystay.

Arintaan waxaa ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisoow waxaana uu u mahad ciliyay shacabka iyo ciidamada amaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo xalay fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba “ayuu yiri gudoomiyaha.

Puntland Post