Puntland oo markii u horraysay sheegtay in ay samaysatay Kaydka Lacagta

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay markii u horraysay samaysay keydka Lacagta Puntland oo haddii xaalad la soo deristo ay uga maarmi doonto kaalmadii ay ka heli jirtay caalamka.

Isagoo khudbad u jeedinayay jaaliyadda reer Puntland ee ku sugan dalka UAE, ayaa madaxweynuhu ku faanay in xukuumaddiisu  ka maarmi karto  kaalmada ay ka hesho caalamka maadaama ay hirgelisay kaydka lacagta Puntland oo loo baxsan doono xaaladaha adag.

Mudane Deni ayaa tilmaamay in habka nidaamka maaliyadda Puntland ay wax badan ka beddeli doonaan si loo ilaaliyo hantida umadda loona helo daah-furnaan maaliyadeed oo xaqiijisa in wax kasta halkii loo qoondeeyay ku baxaan.

Dhanka kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha Puntland taasi oo loo marayo horumarinta ganacsiga iyo maal-geshiga gudaha Puntland isagoo xusay in horraanta bisha 8-aad ee sannadkan Garoowe lagu qaban doono  shir ku saabsan Maal-geshiga Puntland oo lagu soo bandhigi doono fursadaha maal-geshiga  ee ka bannaan Puntland.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST