Dhul gariir caawa ku dhuftay Kenya

Wararka naga soo garaya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dhul gariir uu ku dhuftay magaalooyin ku yaala dalkaasi.

Dhul gariirka ayaa waxaa laga dareemay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Sidoo kale dhul gariirka ayaa ku dhuftay tuulooyin ku yaala dalkaasi sida Kiambu, Machakos, Nyeri iyo Makueni.

Waxaa goordhow dhul gariirkaasi hadashay waaxda saadaasha hawada ee Kenya.

Waaxda saadaasha hawada ayaa sheegtay in dhul gariirkii caawa la dareemay uu cabiirkiisu dhammaa 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka richter-ka.

Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in laga cabsi qabo in dhul gariirkaan uu ku sii fido deegaanada xeebta ah ee dalka Kenya.

Wali lama soo warin khasaare nafeed oo ilaa iyo iminka ka dhashay dhul gariirkaasi.

Puntland Post