Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si kulul uga hadlay ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan.

Kheyre oo ka qeyb galayay munaasabad looga hadlayay iska dhexgalka bulshada iyo ciidamada oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo ku aadan mushaarka ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii hore ay mushaarka ciidamada ay bixin jireen dowlado shisheeye, hayeeshee hadda dowlada ay bixiso mushaarka dowlada.

Waxa uu sheegay in diiwaan galin lagu sameeyay ciidamada dowlada oo ay baarayaan sababaha ay mushaarka u qaadan waayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyaga oo qaarkoodna ay ka soo baxeen furumihii ay kula dagaalamyeen Al-Shabaab.

Hoos ka daawo muuqalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho