Al-shabaab oo muddo kooban la wareegay Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Al-shabaab ay halkaasi weerar ku qaadeen.

Dagaal ayaa in muddo ah dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in Al-shabaab ay muddo kooban gacanta ku dhigeen xaafado ka tirsan degmadaasi Balcad.

Al-shabaab ayaa xabsiga magaaladaasi ka sii daayay dad badan oo ku xirnaa xabsiga Balcad.

Ciidamada AMISOM oo ku sugan qeyb kamid ah magaalada Balcad ayaa madaafiic ku garaacay xaafadaha ay Al-shabaab la wareegeen.

Ugu dambeeyntii Al-shabaab ayaa isaga baxay degmada Balcad.

Degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay Muqdisho u jirtaa 30 KM.

Puntland Post