Farmaajo iyo Geelle oo Baledweyne ku wajahan

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta socdaal ku tagaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labada masuul ayaa soo indha-indheyn doono xaalada ay ku suganyihiin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Amaanka magaalada Baledweyne ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadada aada garoonka diyaaradaha.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Puntland Post