AKHRISO: Magacyada muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhintay bur burkii Ethiopian Airline

Ma jirto cid ka badbaaday diyaaradda Ethopia Air line oo shalay ku dhacday magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines,diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, oo Soomaaliya ay ku jirto.

Waxaa la helay magacyada qaar ka mid ah dad Soomaaliyeed oo ku dhintay diyaaraddii ay lahayd Ethiopia Airlines,waxayna kala yihiin

1- C/shakuur Maxamed Shahaad

2- Siraaji Xuseen Cabdi

3- Sahro Saciid Xasan

4- Nasrudiin C/qaadir

5– Aamina Ibraahim Odowaa

6- Axmed Nuur Maxamuud

PUNTLAND POST