War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Duullaan Xalay ay Dowladd Federaalku Ku Qabsatay Xaruntii Madaxtooyada ee Cadaado.
“Ma aha in taag-darri loo qaato Dulqaadka iyo u turidda Dowladda Galmudug. Galmudug marna gorgortan kama galeyso amnigeeda iyo wadajirka deegannadeeda. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Galmdug meel kasta oo ay joogaan in ay nagu gacan-siiyaan difaaca deegaankooda iyo midnimada dowladdooda” Ayaa lagu yiri qoraalka.
“Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka in ay hubiyaan in aan taageerada ay Soomaaliya siiyaan loo adeegsan burburinta iyo colaad hurinta Soomaalida dhexdheeda” Ayaa ugu danbeyn la sii raaciyay warsaxaafadeedkan.


Puntland Post