Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo kulan ku yeelanayo Addis Ababa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku kulmaya magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha dalkaItoobiya Abiy Axmed ayaa casuumaad u fidiyay labadaan masuul ay wada qaadan doonaan.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow u duulayagaaladda Addis Ababa.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay gaaray Magaaladda DJ. Jabuuti ee Caasimdda dalka Jabuuti kuna wajahan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Warbaahinta si rasmi ah uma ogaan ajendayaasha looga hadli doono kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Hadii kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi uu dhaco waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya  iyo Maamulka Somaliland ay yeeshaan tan iyo sanadkii 2015kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadalada labada dhinac.

Sanadkii 2012-dii oo aheyd xiligii uu madaxweynaha Somaliland ka ahaa Siilaanyo ayuu bilaambay wada hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wali dhinacyada dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kama hadlin wada hadalkaan galinka dambe ee maanta Addis Ababa ku dhexmari doono Farmaajo iyo Muuse Biixi.

PUNTLAND POST