Ciidamada Itoobiyo oo qarax lagula eegtay Baardheere

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax saakay ka dhacay degmadda Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa lala beegsaday ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayay Bartamaha degmadda.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya khasaare uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhanka kale ciidamadda Itoobiyaanka ee qaraxaasi lala eegtay ayaa furay rasaas fara badan waxayna gudaha u galeyn xaafadda Degmadda Baardheere.

PUNTLAND POST