Ganacsatada Soomaaliyeed oo Joojiyay Qaadkii ka imaan jiray Kenya

Xili uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arintaas ka hadlay ganacsatada Soomaalida ee Qaadka ka keensan jirtay dalka Kenya.

Ganacsatadda ayaa sheegtay in ay joojiyeen Qaadkii kaga imaan jirey dalka Kenya, sababo la xiriira difaaca dowladooda.

Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Soomaliyed Qooje Maxamuud Qayliye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen. Waxa uu sheegay in suuqii ganacsiga ee Qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya.

Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa ku hanjabay dhowaan in ay joojin doonaan Qaadka Soomaaliya ay keeni jireen.

PUNTLAND POST