Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dishay dalkaas.

Dilka muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay xaafada New Brighton magaalada Port Elizabeth Ee gobolka Eastern Cape

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Yusuf Mohammed Ibrahim, waxaana la toogtay isagoo garigiisa ku jira.

Ciidamada Booliska ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo goobta baaritaano ka sameeyay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku soo badanaya dilka loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST