Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), safiirkii dowladda Soomaaliya ee Kenya ayaa goordhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaraadaha magaaladda Muqdisho.

Diyaaradda uu la socday Taraan waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Somaliya & Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo xalay soo gaaray Nairobi, islamarkaana u soo gudbaayay Muqdisho.

Dowladda kenya ayaa Denjire Tarsan ku Amartay in dalkeeda isaga baxo kadib markii uu xumaaday Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Soomaaliya oo ay sheegtay in ay kusoo xad-gudubtay hantida dadka reer Kenya.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay safiirkii Soomaaliya Kenya u fadhiyay.

Puntland Post