Qaraxyo ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

Ciidamo katirsan kuwa AMISOM ayaa qaraxyo is xig xigay maanta lagula eegtay Muqdisho.

Qaraxyada oo aahaa ilaa 3 qarax oo kuwo dhulka lagu aaso ah ayaa lagula eegtay nawaaxiga isgooyska Ex contorol balcad ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa furay qaraxayadaasi kadib rasaas aas u farabadan.

Goobjooge ku sugnaa goobta ay qaraxyadaasi ka dhaceen ayaa Puntland post u sheegay in si rasmi ah aysan u garaneeynin qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM.

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid ah qaraxayadaasi uu haleelay gadiidka AMISOM ay wateen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho