Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay casho sharaf uu sameeyay Abiy Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee berri ka furmaya Addis Ababa.

Madaxd ayaa si hordhac ah isugu wareystay ka hor shirka madaxda Afrika.

Waxaa xusid mudan in kulankaasi ay isku arkeen madaxweynayaaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Farmaajo iyo Geelle ayaa ka dhaxeeysay xurguf ku aadan xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea uu ka carooday madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Bari ayaa magaalada Adis Ababa ee caasimada wadanka Itoobiya waxaa ka furmaya shirka madaxda wadamada Afrika.

Xasan Maxamed samatar Cowke

Puntland Post