Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda eek a faaiideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalah iyo hay’adaha dawladda ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Shirka ayaa waxaa lagu lafo guray qorshaha mashruucaan ay wadaagaan qayb kamid ah hay’adaha dawladda ee sannadkaan cusub iyo waxyaabihii qabsoomay sannadkii tegey ee 2018ka iyadoo laysla qaatay in sannadkaan cusub uu noqdo mid looga faa’iideysto si ka duwan sannadihii hore.

Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan agaasimeyaasha iyo xubno kamid ah shaqaalaha hay’adaha ka faaiideysanaya mashruuca iyo xubno ka socda guddiga filinta mashruuca ee PCU ayaa lagu  gorfeeyey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira hay’adahaasi ee uu mashruucu ka taageeri karo.