Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen.

Amaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo aad u hubeysan.

Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale waxaa halkaasi gaaray xubno katirsan madaxda maamul goboleedyada.

Xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ka dhaceysa maanta Baydhabo.

PUNTLAND POST