Xildhibaanada BF oo ansixiyay wax ka badal xeerka Hanti dhowrka qaranka

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan .

163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho