Xildhibaanada Baarlamaanka oo meel mariyay wax ka badalka Agaasinka Bankiga Dhexe

Waxaa goordhow soo dhamaaday kulankii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa meel mariyay ama Ogolaadey  Xeer maamulka  Xulida Guddiga Agaasinka Bank dhexe Soomaaliya.

Waxa Ogolaatay  158 Xildhibaan ooa kamid ahaa xildhibaanadii goobta ku sugnaa.

Waxaa diiday 27 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya mana jirin cid ka aamustay.

Sharcigaan ayaa u ogolaanayo in shaqsi ajnabi ah uu maamuli karo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Xukuumada ayaa u muuqaneeysay in Baarlamaanka ay ku cadaadineeysay ansixinta xeerkaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in shaqsi u dhashay Ingiriiska loo magacaabayo Agaasimaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo bishii qaadanaya 60,0000(Lixdan -kun dollar).

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho