Taliyaha ciidamada Xooga oo ku dhawaaqy dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Indha Qarshe ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabayaan howlgal culus oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanada ay ku suganyihiin ee Gobolada dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku gacan siiyaan dowlada la dagaalanka Al-Shabaab iyo in laga saaro goobaha ay ku suganyihiin.

Dhinaca kale taliyaha ayaa ka hadlay war uu hore u sheegay oo ahaa in la dili doono ragii laga soo qabtay Al-Shabaab isaga oo sheegay in warkaasi si qaldan loo fasirtay.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya hadda in ay qaadaan dagaal culus oo Al-shabaab uga saarayaan goobaha ay ku suganihiin ee dalka Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho