Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii oo la xiray

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Taliye Yuusuf Xundubeey oo katirsan saraakiisha ciidamada Booliska.

Xundubeey ayaa dhowaan muuqaal ay ka duubtay gabar xaaskiisa ahaan jirtay la arkayay isaga oo jirdil iyo aflagaado u geeysanayay.

Gabadhaasi ayaa u dhashay taliyaha gabar waxaana uu doonayay in uu xoog kaga qaato sida ay sheegeen dad aan la hadalnay.

Qoraal ka soo baxay wasaarada amniga ayaa lagu sheegay arintaasi

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.

Dad badan ayaa arintaani soo dhoweeyay iyaga oo sheegay in ay tilaabadaasi yareeyneeyso ku takrifalka awoodeed ee saraakiisha iyo xubnaha dowlada katirsan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho