Eng. Yariisow “Maqaamka caasimada waa Muqadas”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay arimaha maqaamka caasimaha Soomaaliya ee Muqdisho.

Eng Yariisoow ayaa sheegay in ay tahay wax muqadas ah in Muqdisho ay hesho maqaamkeeda iyo xuquudeedi si la siman sida gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

“Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”ayuu yiri Yariisow.

Gudoomiyihii ka horeeyay Eng Yariisoow ee Thaabid Cabdi Maxamed ayaa xilka looga qaaday arimo la xariira ka hadlida maqaamka Muqdisho oo dowlada Soomaaliya ay u aragto in aan hadda la joogin waqtigeedii.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho