Maxkmada Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay labo ruux

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo ruux oo dil horay u geeystay.

Maxkmada ayaa toogatay waabarigii hore ee saakay labadaan ruux oo ay sheegtay in ay dileen allaha u naxariistee Nabaddoon Hiloowle Xeefoow Xuseen oo ay ku dileen Muqdisho.

Ragaasi dilka lagu fuliyay ayaa waxa ay kala yihiin Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow oo horay maxkmada ay xukun dil ah ugu riday.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay fagaaraha iskuu Buluusiya ee Muqdisho.

Maxkmada ciidamada qalabka sida ayaa baryihii ugu dambeeysay xukuno dil ah ku fulineeysay dad horay dil u geeystay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho