Dhacdooyinkii ugu waaweynaa Soomaaliya sanadkii tegay 2018

Sannadkii dhammaaday ee 2018, Soomaaliya waxaa ka dhacay dhacdooyin saameyn reebay, kuwaasoo isugu jira, kuwo siyaasadeed, amni, bulsho iyo arrimo kale oo saameyn leh.

Puntland, 2018

7 January, 2018: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku yimid booqashadiisii ugu horeeysay intii uu kusoo biirey siyaasadda magaalada Garowe xarunta Puntland waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe oo markaa cusbaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ,goloyaasha kala duwan ee Puntland, masuuliyiin ka tirsan federaalka iyo dadweyne aad u fara-badan.

Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegantay diyaar garow loogu jiray furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garowe iyo xuska sanad guuradii 4aad 8 January 2018 oo ku beegnayd maalintii la doortey Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

8 January, 2018: Magaalada Tukaraq ee gobolka Sool oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland muddo, waxaa xilli arooryo hore ahayd gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay, Tukaraq waxay xarunta Puntland ee Garowe u jirtay wax ka yar 70KM.

8 January, 2018: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah u daah-furay garoonka diyaaradaha Garowe oo maalintaas loogu magacdaray Janaraal Maxamed Abshir Muuse.

27 February, 2018: Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland oo lagu magacaabi jiray Mahad Macallin, sidoo kale Maraykankan iyo sirdoonka Puntland ayaa bishii October 2018 sheegay in Mahad lagu dilay magaalada Muqdsho.

15 May, 2018: Dagaal culus oo soconayay in ka badan 10 saac oo xiriir ah ayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana ka dhashay khasaase baaxad weyn oo isugu jira dhimasho, dhaawac, maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo la kala qabsaday.

23 May, 2018: Xildhibaan Cabdixakiim Daahir Macalin oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland iyo mid kamid ah ilaaladiisii ayaa xilli habeen ah kooxo hubeysan ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

24 May, 2018: Mar kale deegaanka Tukaraq waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare tira badan oo labada dhinac kala gaarey, sidoo kale marar badan oo xiligaas ka dambeysay waxaa deegaankaas ka dhacay weeraro gaadmo ah oo khasaare ka dhashay, waxay laba ciidan wali isku hor-fadhiyaan deegaankaas oo ay ka jirto nabad aan cago ku taagnayn.

29 July, 2018: Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminyo ayaa soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana loogu sameeyay soo dhaweyn weyn, Khayre ayaa maalmo ku sugnaa Puntland, waxaana ka dhacay intii uu joogay shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya,  sidoo kale wuxuu booqday Qardho.

25 October, 2018: Shir muddo afar beri ahayd uga socday magaalada Garowe madaxda afarta dowlad goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayay ku sameysteen xisbi siyaaasadeed loogu magacdaray Horusocod Qaran (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye ku meel gaara loogu doortay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

24 November, 2018: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cbadi ayaa socdaal ku yimi deegaanka Tukaarq ee gobolka Sool oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, isagoo booqday taliska guud ee ciidamada Somaliland ay halkaasi ku leeyihiin.

3 December 2018: Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo ahaa siddeed xubnood, saacado kadib magacaabistii Madaxweyne Gaas, waxaa isna Guddi kale magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, wuxuuna ku eedeeyay Gaas in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda Guddigaas, khilaafka noocaan ah oo ugub ku ahaa Puntland ayaa markii dambe xal laga gaaray .

16 December 2018: Qoraal ka soo baxay kooxda Daacish oo lagu faafiyay wakaaladda taabacsan ee Amaq News, ayaa lagu sheegay in malayshiyaadkoodu weerar ku dileen 14 xubnood oo Al-shabaaba oo isku’ uruursanayey deegaanka Miiraale oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Daacish iyo Al-shabaab oo 2018 ku xoogeystay gobolka Bari ee Puntland ayaa dilal u geystay ganacsato, arday iyo askar magaalada Boosaaso, waxayna sidoo kale ganacsiga Boosaaso ku soo rogeen lacago ay ku sheegeen canshuur.

31 December, 2018: Ugu dambeyna Guddigii xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa ku dhawaaqay lixdan iyo lixda xubnood ee Golaha wakiilada cusub, waxaana golahaas kuwii hore ka soo noqday toban iyo todoba nubnood, halka hal xubin oo kaliya ay dumar tahay.

Koonfurta Soomaaliya

3 January, 2018: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Khayre ayaa xilalkii ka qaaday saddex Wasiir oo kala ahaa, Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Yuusuf Garaad. Waxaana lagu bedelay Axmed Ciise Cawad, Wasirkii Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo lagu bedelay, Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiiraddii Ganacsiga Khadro Axmed Ducaale oo lagu bedelay Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye].

21 January, 2018: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo guddoomiye ku xigeenadiisa, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed.

6 February 2018: Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa xukunno ku ridday eedeysanayaal loo haystay Qaraxii ay dadka badan ku naf-waayeen 14-kii Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Zope ee Muqdisho. Waxaana lagu kala xukumay dil toogasho, xabsi-daa’in iyo xabsiyo dhawr sannadood ah.

23 February 2018: Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weeraray bar-koontarool oo ku taalla Isgoyska Sayidka iyo Hotel Dorbin oo ku yaalla KM-0, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in weerarkooda uu ku wajahnaa Madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo la  dilay xoogaggii weerarkaas qaaday.

7 marcho, 2018: Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa lagu dilay Wasiir u dowlihii Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur-galbeed, C/qaadir C/raxmaan, waxaana la geeriyooday xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Hirshabelle, Axmed Cabdi Faarax oo gaariga la saarnaa.

14 marcho, 2018: Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ahaa guddoomiyhihii hore Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu hareer maray dastuurka dalka u yaalla iyo xeerarka baarlamaanka.

8 April, 2018: Diyaarad lacag u siday safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, lacagtaas oo tiradeeda lagu sheegay ku dhawaad 10-milyan oo doollar. Inkastoo lasii daayay lacagtaas haddana waxay xumeysay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ugu dambeynna ay Imaaraadku ka guureen Muqdisho.

10 April, 2018: Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kaddib wadahadallao kala duwan oo uu la yeeshay madaxda dalka. Wuxuuna sheegay inuusan wax dhaqaale ah ku aadan is-casilaaddiisa, balse uu u daneynayo jiritaanka Baarlamaanka DF iyo sii socoshada hawlaha uu u hayo shacabka Soomaaliyeed.

10 April, 2018: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa loo doortay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan, kaddib markii uu ka adkaaday musharraxii dhawr ah oo la loo lamay, isagoo illaa hadda haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

3 May, 2018: Koox dabley ah ayaa xarunta hay’adda ICRC ka afduubay haweeney samafale ah oo u dhalatay dalka Jarmalka. Iyadoo afduubka haweeneydan uu dhacay xilli habeen ah, ayna si xooggan kaga saareen xarunta iyagoo ku qaatay gaari u taagnaa illinka hore ee xarunta.

9 May, 2018: Al-shabaab fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Shukri C/llaahi Warsame oo 31-jir ay ahayd ay sheegeen inay isku mar guursatay 11 Rag ah, ayna isku mar qabtay sagaal rag ah ayna dhashay siddeed caruur ah, waxaana dilkeeda loo adeegsaday dhagax.

27 May, 2018: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare, Ibraahim Iidle Suleymaan, wuxuuna xilkaas u magacaabay Avv. Baashir Yuusuf Axmed, isagoo sheegay in magacaabistan uu sameeyay isagoo tix-gelinaya cabashada shacabka Soomaaliyeed, si loo helo garsoor hufan oo cadaalad ah, uuna go’aansaday in isbedel lagu sameeyo garsoorka, si shacabku ay u helaan garsoor la isku halleyn karo.

5 Jun, 2018: Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay waddada isku xigta Muqdisho iyo Jowhar, xilli ay ku socdeen xarunta maamulka Hirshabelle. Waxaana labada xildhibaan lagu kala magacaabi jiray; Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaana lala dilay guddoomiye ku xigeen ka tirsan maamulka Hirshabelle.

9 Jun, 2018: Dowladda Maraykanka ayaa qiratay in Askari looga dilay mid kalena looga dhaawacay gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay weerareen saldhiga ay Kooxda Al-shabaab ku lahayd degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo gacan siinayay ciidammo Soomaali ah oo weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ay Kooxda Al-shabaab ku lahayd dulleedka degmadaas.

16 Jun, 2018: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa safar ku yimid Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana uu heshiis dhawr qodob ka kooban xarunta madaxtooyada kula saxiixday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isga oo isla maalintaas ka duulay Muqdisho.

7 July, 2018: Al-shabaab ayaa qaraxyo la beegsaday xarumaha wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana qaraxyadaas lagu dilay in ka badan 15-qof oo isugu jiray shaqaalaha wasaaradaha iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda ee ilaalinayay xaruntas. Iyadoo kooxihii weerarkaas qaadayna la dilay dhammaantood.

29 July, 2018: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la baabi’iyay hay’addii nabad-sugidda Qaranka ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamadii ka hawl-galayay Muqdisho ee nabad-sugidda ahaa lagu kala daray millateriga iyo booliiska Soomaaliya, waxaana taliyihii nabad-sugidda gobolka Banaadir Soomaaliya, Saadaq Joon loo magacabaay taliyaha guud ee booliiska gobolka Banaadir.

25 August, 2018: Taliye ku xigeenka waaxda dambi-baarista Dowladda Soomaaliya, Bashiir Nuur Geeddi, ayaa sheegay in la xir-xiray 28-qof oo isugu jiray saraakiil iyo xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku kaceen musuqmaasuq, waxaana ka mid ahaa madaxdii waaxda canshuuraha ee Dekedda Muqdisho iyo shaqaale kale oo qaarkood lagu xukumay xabsiyo aan isku mid ahayn.

30 August, 2018: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu muddo sannad ka badan maqnaa, wuxuuna sheegay in soo laabashdiisa ay xudun u tahay inuu xog-ogaal u noqdo hawlaha ka la duwan ee ka socda Muqdisho iyo qabo ka mid ah dalka.

11 September, 2018: Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, Waxaa ka billowday khilaaf muddo jiitamayay, kaasoo keenay in xilalkii siyaabo kala duwan looga qaado madaxweynaha maamulkaas, guddoomiyaha iyo weliba xubon kale oo ka tirsan maamulka Galmudug, iyadoo aan illaa hadda la xallin khilaafkas.

4 October, 2018: Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo kasoo goostay Al-shabaab ayaa isku sharraxay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, wuxuuna ka mid ahaa tiro musharraxiinta oo xilka isku soo taagay, inkastoo Xukuumadda Soomaaliya la sheegay iay ka dalbatay inuu tartanka ka baxo.

14 October, 2018: Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay, Xasan Aadan Cali oo 32 jir ahaa oo loo haystay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zope ee Xamar oo ay ku naf-waayeen in ka badan 500-qof, ayna ku dhaawacmeen dad intaas ka badan, kuwaasoo intooda badan ahaa shacab aan waxba galabsan.

7 November, 2018: Madaxweynihii maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa iska casilay xilkii madaxweynaha iyo musharraxnimadii doorashada maamulkaas Koonfur-galbeed, kaddib markii uu cadaadis xooggan kaga yimid xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay inay wadato musharraxii ku guuleystay doorashada madaxnimo ee Koonfur-galbeed, C/casiis Lafta-gareen.

26 November, 2018: Labo qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay xarun uu lahaa wadaad lagu magacaabo Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo ku taalay  Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20-ruux oo shacab ah oo ay carruur iyo haween ka mid yihiin.

27 November, 2018: Guddi uu Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya uu u xil-saaray soo af-jaridda khilaaf u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira, kaasoo sababay inuu go’o xiriirkii wada-shaqeyneed ee ka dhexeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha qaybta ka ah Federaalka Soomaaliya.

13 December, 2018: Ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa xiray Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharaxiintii u taagnaa xilka madaxweyaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyadoo ay dowladda Federaalka ku eedeysay wadaadka inuu buuxin waayay shuruudo ay horay ugu heshiiyeen.

22 December, 2018: Qaraxyo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan oo uu kamid ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad, waxaana qaraxyadaas ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir, waxaana weerarkan ku dhintay saddex shaqaale oo ka tirsanaa Telefishinka Universal oo la socday Cawii  Daahir.

24 December, 2018: Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa Qaraxyo dhawr ah oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada iyo dadweyne kale.

PUNTLAND POST, 2019