Maraykanka oo digniin ka soo saaray Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteed uga digtay in ay u safraan meelo kamaid ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in laga cabsi qabo ay ka dhacaan  inta lagu guda jiro sanadka cusub weeraro argagixiso.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ay qorsheynayaan weeraro ka dhaca goobaha dekadaha, hoteellada, garoomada diyaaradaha, suuqyada iyo meelaha muhiimka ah ee ay dadka ajnabiga ah isugu tagaan.

Sidoo kale digniinta ayaa lagu sheeay in Soomaaliya ay wali tahay meel halis ah, qatar dhinac kasta ahna ka jirto sidoo kalena ku badanyihiin dambiyada dilka, afduubka iyo kuwa kale.

Fariinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in goobaha halista ee laga digayo ay kamid tahay magaalada Muqdisho iyo deegaano kamid ah Puntland iyo Somaliland oo la sheegay inay suura galtahay inay ka dhacaan jidgooyada sharci darrada ah sida afduubka.

Maraykanka ayaa inta badan marka uu dhalanayo sanadka cusub digniin dhanka amniga ah ka soo saara Soomaaliya.

PUNTLAND POST