Dawladda Puntland oo casriyaynaysa hannaankeeda kaydinta ama diinwaan gelinta shaqaalaha

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa qabatay kulan looga arrinsanyey sidii dawladda Puntland loogu samayn lahaa nidaam guud oo lagu kaydiyo xogta shaqaalaha dalwadda.

Nidaamkan ayaa waxa uu ka caawinaya shaqaalaha  dawladda in uu xuquuqdiisa iyo mushaarkiisaba ku qaadan karo hab Electronic ah isagoo adeegsanaya kaarkiisa ama aqoonsigiisa shaqada, sidoo kale waxa uu meesha ka saarayaa in qofka shaqaalaha ahi uu labo xarumood oo dawli ah uu  mushaar kawada qaato.

Sidoo kale hannaankan ayaa dawladda ka caawin ilaalinta xogta shaqaalaha waxaana uu fududayn doonaa in waxbixin sax ah marwalba laga heli karo shaqaalaha, waxaaana dawladda ka caawinaya hirgelinta barnaamijkan mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP