Siciid Dheere: Musharax cad-cad, hadana la socda dabeylaha isbedelka geeska

In kabadan Soddon musharax ayaa u baratamaya doorashada Puntland ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019, ma ahan xaalad ugub ah in musharixiin badan ay ku loolamaan xil-qaran, taasi waa hiddo siyaasadeed iyo hanqal taag xildoon, balse waxaa mudan in halbeeg lagu sameeyo musharixiinta iyo heerka uu gaarsiisan yahay hankooda siyaasadeed.

Ololaha musharixiinta Puntland ayaa maraya meeshii ugu dambeysay, iyadoo ay ka dhiman tahay doorashada wax ka yar labo todobaad, waxaa jira musharaxiin cad-cad oo rajo weyn leh, halka kuwa kalana ay ku galayaan doorashada ku nasiibso.

Marka aad joogtid Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqonaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada, taageerada Siciid Dheere ayaa kaliya lagu mataali karaa midii uu 2016 heystay Maxamed Cabdullaahi faramaajo oo markii dambe loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

Soo dhoweyntii Siciid Dheere ee Garowe

Taageerada Siciid Dheere ee dadweynaha waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa soo dhaweyntii toddobaadkii hore loogu sameeyay caasimada Puntland, taas oo ahayd isu soo bixii ugu weynaa ee abid ka dhaca Garowe iyo Puntland, ma ahayn soo dhaweyn dhaqaale lagu bixiyay ee waxayn ahayd mid ku timi rabitaan sida ay sheegeen dadkii ka qeyb galay.

Mar uu la hadlayey musharaxa kumanaan qof oo taagnaa fagaarada Barxada ee Garowe waxuu ballan-daaday in uu waxka qaban doono hadii la doorto dhowr arrimood oo ay kamid tahay amniga, kordhinta mushaarka ciidamada, soo celinta gobolada magan iyo midnimada Soomaaliya.

Musharax Siciid Dheere oo ka hadlaya fagaaraha Garowe

Sidoo kale musharaxa Siciid Dheere ayaa ka hadlay isbedelka ka socda geeska Afrika, wuxuuna sheegay in Itoobiya uu kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dhaqaalaha iyo amniga, wuxuuna u muuqday musharax la socda heshiisyadii ay horey u gaareen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya ee dhanka xasiloonida iyo horumarka.

Musharax Siciid Dheere oo safar qaatay dhowr todobaad ugu maqnaa Muqdisho iyo dalalka deriska ayaa kulamo la qaatay madaxda federaalka, madax ka tirsan dowladaha deriska iyo diblomaasiyiin beesha caalamka ah.

Gen. Siciid Dheere oo kamid ahaa asaasayaashii Puntland, halgan dheerna u soo galay ayaa ixtiraam iyo qadarin badan ku leh shacabka, taas ayaana lagu fasiri karaa in uu kaga saameyn bato musharaxiin badan oo dhaqaale culus wata.

Musharax Gen. Siciid Dheer  ayaa dad badani rumeysan yihiin, haddii uu  ku guuleysto madaxtinimada Puntland in uu wax badan ka qaban karo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo amniga oo walaac xoogan laga qabo hadda.

Imaatinkii musharax Siciid Dheere iyo soo dhaweyntii mucjisada ahayd ee caasimada loogu sameeyay ayaa waji cusub uu yeeshay doorashada Puntland, waxaana hoos u dhac ku yimi musharaxiin markii hore loo arkayay in ay ugu cad-cad yihiin kuwa tartamaya.

PUNTLAND POST