Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa dib u-habayn ku dameeyay Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyaddda,Qorshaynta iyo La-xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa xubno kooban looga saaray Guddiga Maaliyadda,waxaana sidoo kale lagu amray in si dhakhso ah u soo diyaariyaan Miisaaniyadda Sannadka 2019,islamarkaana ay Golaha shacabkq u soo gudbbiyaan 30/12/2018 si loo ansixiyo.
Dhinaca kale Guddoomiye Mursal ayaaXildhibaannada Baarlamanka ku wargeliyay in ay kulan isu’ gu yimaadan 30/12/2018 si ay u ansixiyan Miisaaniyadda 2019 ee ay soo diyaarinayan Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyaddda,Qorshaynta iyo La-xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST