Qilaafka gudoonka Baarlamaanka oo xal laga gaaray

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo labadiisa  Kuxigeen ayaa maanta kulan waqti badan qaatay waxa ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhax jira gudoonka golaha shacabka loona ambo qaadihii shaqada Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayay mooshinka Madaxweynaha iyo xiisada Koonfur Galbeed.

C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in kulanka guul weyn laga gaaray,islamarkaana la xaliyay khilaafkii ka dhex jiray Gudoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.

“Xubnaha golaha Shacabka, umada soomaaliyeed iyo dhamaan inta samaha jecel Waxaan si rasmi ah ugu war gelineynaa in Xubnaha gudoonka golaha shacabka ay maanta xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay’, ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaiya iyo Labadiisa ku-xigeen ayaa isku khilaafay Mooshinka laga keenay madaxweynaha dalka.

PUNTLAND POST