Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada magaaladaasi ay saakay dagantahay.

Dad ku sugan Baydhabo oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in saaka jawiga uu ka badalanyahay sidii uu ahaa labadii maalin ee la soo dhaafay.

Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa si caadi ah saaka u shaqeeynaya gudaha magaalada Baydhabo.

Ganacsigii ayaa saaka dib loo furay oo dadku si caadi ah u ganacsanaya suuqyada magaalada Baydhabo.

Rabshado dad badan ay ku dhinteen ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo oo hadda xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalo iyo dibad baxyo rabshado watay oo ka dhashay xarigii Muqtaar Rooboow ayaa ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo oo ay dad badan ku dhinteen.

Muqtaar Rooboow ayaa hadda ku xiran magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post