Gudoomiyaha Baarlamaanka “Doorashada Koonfur Galbeed dib haloo dhigo”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimaha Baydhabo.

Gudoomiye Mursal ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Baydhabo uu kamid yahay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulkaasi iyo dad shacab ahaa.

Waxa uu sheegay in uu ka xunyahay dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo, wuxuuna intaas ku daray in ay xukuumada Soomaaliya dhabarka u ridaneyso.

Isaga oo sii hadlayo ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Muqtaar Roobow islamarkaasina uu xaq u leeyahay in uu isi soo sharaxo.

Waxa uu ku baaqay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo Arbacada soo socoto lagu wado in ay ka dhacday Baydhabo.

Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay xanibtay dhaq dhaqaaqa xildhibaanada Baarlamaanka isaga oo sheegay in uu ka soo guuray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waxaa uu soo hadal qaaday mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo waxaana uu sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid sharci ah islamarkaasina Baarlamaanka xalkiisa uu gaarayo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho