Shirkii Billaha ahaa ee guddiga Fulinta Mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawaladda iyo shaqaalaysiinta ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Shirkaan ah mid bishii mar la qabto isla markaana looga arrinsado shaqooyinka machruuca CIP ayaa  waxaa looga hadlayey dejinta qorshe hawleedka  sannadka 2019-ka ee hay’adaha ka faaiideysanaya mashruuca iyo  baahiyaha shaqaale ee ay soo gudbiyeen hay’adaha dawladdu.

Dhammaan masuuliyiihinta hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca oo goob joog ka ahaa ayaa dood dheer ka galay qorshe hawleedka 2019-ka iyo dhammaystirka baahiyaha shaqaale ee ay u baahan yihiin hay’adaha dawladdu.

Sidoo kale waxa dib loo milicsaday shaqooyinkii lasoo iyadoona laysla qaatay in ilaa iyo hadda shaqooyinka soo qabsoomay ay badankooodu guul kusoo dhammaadeen iyagoo fuley waqtigii loogu talo galay.