Musharrax Siciid Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Gaalkacyo

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Boqolaal ka mid ah Bulshada Magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyey waxa ayna sheegeen in Musharax Deni yahay Shaqsi mudan in uu Hoggaamiyo Puntland.

Nabadoon Xuseen Maxamuud oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay soo dhaweynta Musharrax Deni ayaa sheegay”…Qoraxda waxaan u taaganahay, oo saacado badan sugeenay waxa ay tahay in aan helno Madaxweynihii naga saari lahaa dhibka aan ku jirno, Taageero ayaa kuu nahay, waxaad mudantahay in aad xilkaas ku guuleysato”….

Musharrax Siciid Deni ayaa u mahadceliyey dhammaan dadka ka qeybgalay soo dhaweyntiisa waxa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo ka soo qabtay howlo badan….”Gaalkacyo Imaatankeeda wax igu cusub ma ahan, Xilli hadda amaankeeda ka xunyahay ayaa ka soo shaqeeyey, 1993-dii markii uu Cabdullaahi Yuusuf Gaalkacyo ka sameeyey Nabadeynta waxaa ahaa Dadkii ugu horeeyey ee Gaalkacyo ka abuuray Ganacsi kana Furay Goobo waxbarasho, Xilligaas dadka joogay ciidan ayaa u badnaa waxa ay aheyd 1994-tii”…….

Musharrax Deni ayaa Sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee qeybta ka ahaa horumarka iyo Ammaanka Gaalkacyo…..”Aniga waxaa ka mid ahaa dadkii Gaalkacyo wax u qabtay Abaal ayaa ku leeyahay, Abaalkaas in aad ii gudaan ayaa rabaa oo markale aan idin qabto wax ka fiican, Cabdiweli Gaas waa idinkaga fiicanahay, Waad Ogtihiin meesha uu ka yimid, Aniga diyaar ayaa u ahay Xoojinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Waxaa kaalin ka qaadanayaa Dhismaha iyo Horumarinta Dekedda Garacad”…..

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ballan qaaday in uu wax ka qabanayo Nabadeynta iyo Walaaltinimada Gobolka Mudug….”Waxaa idin ballan qaadayaa Nabadda iyo Walaaltinimada Gobolka Mudug in aan waqti badan galiyo Habeen iyo Maalina u soo jeedno, Horumarka Gaalkacyo, Mudug iyo Puntland ninkii loo tilmaamayey ma ahi, wax badan ayaa ka ogahay Hadaan Guuleysto wax badan ayaa ka qabanayaa”…..

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan waqti badan qaatay waxa uu la yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan faarax, waxa ay kawada hadleen guud ahaa xaaladaha Puntland iyo Doorashada
Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8-da Janaayo 2019.

Musharrax Siciid Deni ayaa Islaanka ugu Mahadceliyey Dadaalada iyo Nabadeynta uu wado.

Cabdiqani Boos

Puntland PostÂ