Faysal Cali Waraabe oo taageeray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Waraabe) ayaa ka hadlay mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu taageerayo mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

“Hala taageero mooshinkaasi oo qof wanaagsan oo labada sano ee hadhsan waddanka gaadhsiiya hala soo saaro annaguna dibadda ka joogi mayno” ayu yiri Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho