Dibad baxyo looga soo horjeedo Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka dhacaya

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa caawa laga dareemayaa abaabulo balaaran oo ku aadan dibad baxyo lagu wado in ay bari ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaabulaya dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeedo mooshinkii ay soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dibad baxayaasha ayaa socod ku mari doono qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho iyaga oo ugu dambeeyn isugu tagi doono xarunta ciyaaraha ee Studio Koonis Degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dibad baxyadaasi ka qeeybgalaan islamarkaasina ka hadlaan sida ay u arkaan mooshinka laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya ayaa mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho