Hay,adda Socdalka Soomaliya oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka

Muqdisho-[Puntland Post]Mas’uuliyiinta Hay’adda socdaalka ee dawlada Soomaliya ayaa waxa ay  sheegeen  in ay aad uga xun yihiin mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixiyay, waxaana ay sheegeen in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala yaal ay howlgali doonaan.

War ka soo baxay Masuuliyiinta Hay,adda Socdalka ee Soomaliya  ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maalmahii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah lana bilaabi doono bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta December’.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dawlada Soomliya ayaa xarumo ka furtay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka   waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post